DEG DEG: Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada oo qabatay dacwad ka dhan ah Fahad, Kulane iyo Yaasiin Farey

DEG DEG: Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada oo qabatay dacwad ka dhan ah Fahad, Kulane iyo Yaasiin Farey

daajis.com:- Xeer Ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa qabatay gal dacwadeed ka dhan ah Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee hay’adda NISA iyo Taliyaha hay’adda ee gobolka Banaadir, Yaasiin Farey iyo Kulane Jiis.

Qoraal kasoo baxay Qareenka Hooyada dhashay Ikraan ayaa lagu sheegay in dacwaddaan ay soo gudbiyeen qoyska iyo ehellada Ikraan Tahliil Faarax, oo ay NISA shaacisay geerideeda kadib markii ay u gacan gashay Al-Shabaab, ayada oo kooxduna iska fogeysay arrintaas.

“Aniga oo ah Qareen Daahir Maxamed Cali oo Qareen u ah Maamo Khaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax waxaa Xeer ilaalinta CQS ugu soo gudbinayaa Cabashada uu ku xusan oo lid ku ah shaqsiyaadka ujeedda sare ku sheegan si waafaqsan qoddobada 21-aad iyo 22-aad ee XHCS,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waraaqda oo si toos ah ugu socotay Xafiiska X.Ilaalinta Guud, ayaa waxaa ogeysiin la siiyey Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS, waxaana lagu xusay eedeymaha saraakiishaas loo haysto, taasi oo u dhigneyd sidan hoose;

1. Fahad Yaasiin: Waa shaqsiga gabadha oo dalka dibadiisa ku maqan u yeeray, una sheegay in xil loo magacaabayo, mar kalane ayada oo safar u socota u sheegay inay joogto si Xil looga magacaabo, wuxuu kale oo uu u sheegay in lala soo xiriir dooni si loola socodsiiyo xilka loo magacaabay, soo wicitaankiisana wuxuu noqday kii gabadha lagu waayey.

2. Cabdiqani Diirane oo loo yaqaano wadna-qabad: Waa shaqsiga gabadha gaariga ku soo qaaday oo gurigeeda ugu qaaday.

3. Yaasiin Faray oo ah Taliyaha Nabadsugida G/Banaadir: Waa shaqisga gabadha loo geeyay markii gurigeeda laga soo qaaday.

4. Cabdillaah Aadan Kulane (Kulane Jiis): Waa shaqsiga dhowr jeer gabadha u soo jeediyay handadaad,arrintaas oo ay u sheegtay hooyadeed.

Gal-dacwadeedka loo gudbiyey Xeer ilaalinta ayaa ka dhigan in si toos ah loo guda-gali doono baarista kiiska Ikraan, islamarkaana ay Saraakiishaas wajahi karaan maxkamadeyn, waa haddii uu ku cadaado kiiskaas.


Si kastaba, arrintaan ayaa imanaysa xili uu Ra’iisul Wasaaraha shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin, sidoo kalena uu faray Xeer-ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida in uu baaris rasmi ah oo dhameystiran ku sameeyo kiiska Ikraan, kadibna horgeeyo maxkamad sharci ah oo awood u leh.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada