Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble oo ku heshiiyey lix qodob (Aqriso)

Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble oo ku heshiiyey lix qodob (Aqriso)

daajis.com:- Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay, sida uu shaaciyey xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Qodobada heshiiska ayaa waxaa ka muuqda inuu tanaasulay ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ogolaaday in meesha laga saaro taliyihii hay’adda NISA ee uu magacaabay, oo aheyd xudunta khilaafka labada mas’uul.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah in kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hay’adaha cadaaladda, hase yeeshee waxaa hay’adda NISA baaqi kusii ah qaar ka mid ah dadkii kiiska lagu tuhmayey, taasi oo shaki gelineysa inay caddaalad heli karaan qoyskeeda.


1- Ayada oo la tixgilinayo dib udhaca kuyimid jadwalka doorashooyinka ayaa madaxda waxey isku raaceen in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka, waxeyna ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaliya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan kubilaabaan asbuucyada soo socda doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

2- In si dhaw ay u wada shaqeeyaan hay’adaha Amnigu iyaga oo xoogga saaraya adkaynta amniga iyo xasilloonida guud ee dalka xilligan xaasaasiga ah ee dalku ku jiro doorashooyinka, Lana xoojiyo ladaagalanka argagaaxisa ee Alshabaab.

3- In Wasiirka Aminiga Cabdullahi Maxamed Nuur uu sii wato shaqadiisa si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

4- In Jeneraal Bashiir Goobe, oo uu Rooble horey ugu magacabay taliyaha NISA, loo magacaabo wasiiru dowle.

5- Madaxda ayaa isku raacay In Yaasin Cabdulahi Maxamuud (Farey) uu ahaado kusimaha Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HNSQ) inta Madaxweynahu uu soo marsiinayo Ra’iisul Wasaaraha Taliye iyo Taliye kuxigeen kadibna La soo marsiinayo Golaha Wasiirada, si madaxweynuhu ugu soo saaro digreeto.

6- Madaxda ayaa isku raacay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo Hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaana la faray hay’adaha amnigu in ay gacan ku siiyaan. 

Ugu danbayn, Madaxda Qaranku waxay umahad celiyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Moxamed (Lafta gareen) iyo masuuliyiinta kale ee udhabar adaygay sidii madmadowgii madaxda qaranka ka dhexjirey loogu dhameyn Lahaa Isfahan iyo afgarad, doorashaduna usocoto si habsami leh.

Madaxda waxa ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed sida ay uga xunyihiin walwalkii ay dareemeen maalmihii la soo dhaafay iyaga oo u ballanqaaday shacabka in si midnimo leh ay uga wada shaqayn doonaan sidii ay dalka uga dhicilahayd doorasho hufan loona adkayn lahaa amniga guud ee dalka.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada