Madaxweyna hore Xasan Sheekh oo war kasoo saaray dagaalka GURICEEL

Madaxweyna hore Xasan Sheekh oo war kasoo saaray dagaalka GURICEEL

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalka ka socdo magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, isaga oo baaq deg deg ah u diray madaxda Galmudug iyo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna.

Xasan Sheekh Maxamuud oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa labada dhinac ka dalbaday inay si shuruud la’aan u joojiyaan dagaalka haatan ka socda Guriceel.

‘Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh,” ayuu yiri musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu ku taliyey in xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac lagu dhammeeyo miiska wada-hadalka, si la qaboojiyo colaadda kasoo cusboonaatay Galmudug.

“Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug,” ayuu raaciyey.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan dagaal u dhexeeya labada dhinac uu ka socdo waqooyiga Guriceel, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Halkan hoose ka aqriso:-

BAAQ NABADEED

Xaaladda Galmudug

Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah.

Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh.

Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Haweenka dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada waa in ay qaataan kaalintooda ku aaddan deminta colaadda. Lama aqbali karo in dhiigga dhallinyaro Soomaaliyeed uu daadanayo, bulshada inteeda kalena daawato.


Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada