RW Rooble oo UNHCR kala hadlay u gurmashada dadka abaartu saameeysay

RW Rooble oo UNHCR kala hadlay u gurmashada dadka abaartu saameeysay

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afey.

Kulan ay yeesheen ayaa waxaa  ay kaga wada hadleen xaaladaha bani’aadnimo ee dalka iyo sidii loo gargaari lahaa dadka ku nool deegaannada ay abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahad celiyay ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Maxamed Cabdi Afey sida uu uga aqbalay in loo gurmado dadka ay abaartu saameysay.


Degaano ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay kajiray abaar saameyn ku yeelatay dad iyo Duunyo, iyada oo dowladda Soomaaliya sheegtay in dadkaasi loo gurmanayo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada