Sheekh Shaakir oo faah faahiyay sababta ay uga baxeen Guriceel

Sheekh Shaakir oo faah faahiyay sababta ay uga baxeen Guriceel

daajis.com:- Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca ayaa marka hore u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay degmada Guriceel ee khasaaraha dhimasho, midka dhaawac iyo burburka hantiyadeed geystay.

Qoraal dheer oo uu soo saaray Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa uu ku sheegay in uu aad uga xun yahay in magaalada Guriceel hub iyo ciidan Muqdisho laga keenay lagu dunshay goobahii caafimaadka, ganacsiga iyo meelahii bulshada muhiimka u ahaa, ayna tahay nasiibdarro Somalia usoo hoyatay in Saanadii qaranka lagu gubay guryahii ummada , lagu qaxiyay shacbigii magaalada Guriceel kusoo dhaweeyay si nabad ah.

” Waxaan rabaa in aan u sheego umada soomaaliyeed in aan markii horeba soo dhawaynay baaqyadii nabadda iyo wada-hadalka iyo in aysan dhicin dagaal aan kan shabaab lagula jira ahayn, waxaana u caddaynayaa ummadda somaaliyeed in aan soo dhawaynay mar labaad baaqyada ka imaanayay Culimada , Cuqaasha , Ganacsatada , Siyaasiyiinta , Midawga musharaxiinta iyo beesha caalamka annaga oo tixgalineyna Shacbigeena ayuu yiri” Sheekh Shaakir.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guriceel  ay uga baxeen Codsi uga yimid Culimada, Ganacsatada , bulshada rayidka senataro iyo Siyaasiyiin reer Galmudug ah , ayna ka codsadeen inay wareejiyaan labadii gaari ee lagu qabsaday dagaalkii ka dhacay degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud, isla markaana Gaadiidkaas ay wareejiyeen.

Qoraalka Sheekh Shaakir oo aad u dheer ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ay ku balameen inay degaan deegaanka Bohol oo markii horeba ahaa deegaankii lagu  weeraray, sidoo kalena wax walba oo jira lagu dhammeeyo wada hadal iyo xal nabad ah, ayna aqbaleen dhamaan codsiyadii uga imaanayay beesha Caalamka iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyay Shacabkii ku garab taagnaa mar walbana ay u taagan yihiin nabadda iyo in aan awoodda dowladeed si qaldan loo isticmaalin, waxii khaldama lagu saxo wada hadal , dagaal aan kan shabaab aheena dhacin , dadkeenana aysan ku seexan walwal ay ka qabaan argigixisada .


Warkaan kasoo baxay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kusoo aadaya xilli Guddoomiyaha degmada Guriceel iyo Taliyaha Booliska degmadaas ay sheegeen in aan la cafin doonin dadkii taageeray hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada