Xog: Shariif Xasan oo ku guuleystay qorshihii uu Baydhaba u tegay

Xog: Shariif Xasan oo ku guuleystay qorshihii uu Baydhaba u tegay

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku guuleystay qorshihii uu u tegay Baydhaba oo ahaa inuu hanto taageerada beeshiisa, xilli uu raadinayo kursi ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya.

Shariif Xasan oo shalay Baydhaba kula kulmay odayaasha beeshiisa Asharaaf ayaa ka dalbaday inay kursiga siiyaan, waxaana kadib shir saacado qaatay ay xubnihii ka qeyb galay kulankaas si buuxda isugu raaceen inay kursiga uu qaato.

Kursiga xildhibaannimo ee uu Shariifka doonayo waxaa ku fadhiya wiilkiisa oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Shariif Xasan, oo uu ku wareejiyey markii uu noqday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Shariif Xasan, oo ka mid ah ragga ugu saameynta iyo xeeladda badan siyaasadda Soomaaliya, ayaa haddii uu kusoo laabto golaha shacabka, waxa uu mar kale ku guuleysan karaa xilka afhayeenka inkasta oo hadda uu yahay murashax madaxweyne.

Murashaxnimada Shariif Xasan ayaa ka dhigan in afar guddoomiye hore oo baarlaman ay hadda doonayaan kursi xildhibaanimo kuwaas oo kala ah: Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, Maxamed Cusmaan Jawaari, Sheekh Aadan Madoobe iyo Shariif Xasan.

Ma cadda, waxa uu madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ka yeeli doono damaca Shariif Xasan, oo ah ninkii kursiga madaxweyne looga kiciyey markii ay Villa Somalia dhiig badan u daadisay.


Doorashada golaha shacabka ayaa waxay kaga duwan tahay tan Aqalka Sare in odayaasha beelaha ay yihiin kuwa soo gudbinaya liiska murashaxiinta kuraasta, inkasta oo maamul goboleedyada ay xeelado kale ku reebi karaan, sida in loo diido warqadda caddeynta inaanu dambi gelin qofka ee CID-da ay bixiso.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada