Abiy Ahmed: “Kama carareyno dalka, mana qaadeyno wadadii Mingiste Haile Mariam”

Abiy Ahmed: “Kama carareyno dalka, mana qaadeyno wadadii Mingiste Haile Mariam”

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in Kooxda TPLF awoodeeda aasaasiga ahaysan ahayn xabada balse ay tahay dacaayad iyo borobogaandho been abuur ah.

Abiye Ahmed ayaa dhacdooyinkii maalmahan dalka ka jira ku masaalay kuwii dalka ka dhacay xilligii Mengistu, haile mairam oo kale, wuxuuna sheegay inay taariikhdii hore wax ka barteen khalkhal gelina darteedna aysan dalka uga baxsanayn.

“Xaallada dalka ka alloosan, sannadkii 1991 ayay Itoobiya wajahday. Haddii la baaro sababtii Cor. Mengistu dalka uga carraray, shaki igama jiro inay qayb ka ahayd khal-khal galinta iyo jahwareerintu. Xilligaas dagaalka oo aan soo gaarin meel masaafo 200-KM ah u jirta Addis ababa ayaa olalahan khalkhal gelinta la bilaabay, oo Dawladdii lagu baddalay” ayuu yiri Abiy Axmed

Wuxuu sheegay in maalmahan tallooyin loo soo jeedinayay, si ay dalka uga baxaan,”Waxaa la lahaa wax walba way dhamaadeen, Addiss-Ababa waa lagu hareeraysan yahay, dalka iskaga carrara. Kuma aysan fikirin inaan taariikhdii hore wax ka baranay ” ayuu yiri Abiy Ahmed.




Waxaa uu intaas ku daray “Annagu laba dal ma lihin. qorshihii Mengistu lagu khal-khal galiyay ee Dawladdiisa lagu baddalay, waxaan ka barranay cashar. Waxaan leenahay qorshe cusub la imaada, naguma qaldi kartaan wixii hore”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada