Boqortooyada Sacuudiga oo qaaday talaabo ka farxisay ajaaniibta ka xoogsada dalkaas

Boqortooyada Sacuudiga oo qaaday talaabo ka farxisay ajaaniibta ka xoogsada dalkaas

daajis.com:- Sacuudiga ayaa dhalasho siiyay dad badan oo ajaaniib ah, kuwaasoo lagu tilmaamay in ay yihiin dad howlkar ah, sida lagu qoray Wakaaladda Wararka ee Dowladda.

Tallaabada waxaa loo arkaa inay isbedel wayn ku tahay shuruucda boqortooyada ee ku wajahan ajaaniibta ka shaqeysta dalkaas.

Sacuudi Carabiya  si la mid ah dalalka kale ee Gacanka – wuxuu ku tiirsan yahay shaqaalaha ajaaniibta ah, illaa 50-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxay ka shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee ganacsiyada, balse kuwa yar oo ka mid ah ayaa helo degganaansho-joogto ah ama dhalasho.


Hadda, tiro dad ah oo aan la cayimin ayaa la siiyay dhalashada, sida lagu qoray warbaahinta dalkaas, waxaana lagu xushay howlkarnimadooda iyo xirfaddooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada