Bahalka Dub-qalooca oo boqolaal qof ku waxyeeleeyay magaalo ku taalla dalka Masar

Bahalka Dub-qalooca oo boqolaal qof ku waxyeeleeyay magaalo ku taalla dalka Masar

daajis.com:- Dub-qaloocyada ayaa waxaa soo bixiyay fatahaadaha iyo dabeylaha xooggan

Dub-qalooc ama hangaralle ayaa dalka Masar ku dilay saddex qof , halka kuwa kalana uu dhaawacyo gaarsiiyay.

Dhacdadn ayaa ka dhacday magaalada Aswan ee koonfurta dalka Masar, kadib markii dabeylo xooggan ay ku dhufteen waddooyinka iyo guryaha dalkaasi.

Ilaa 450 qof oo kale ayaa dhaawacmay ka dib markii hangarallooyinkan ama dub-qaloocyadan ay qaniineen, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka.

Roobka sita dabeylaha xooggan iyo onkodka ee ka da'ay agagaarka webiga Nile Jimcihii ayaa ahaa mid dhibaatooyiin gaystay.

Dub-qaloocyada iyo Masaska ayaa marka ay da'aan roobabka mahiigaanka ah waxaa soo qaada biyaha iyo dabeylaha xooggan markaasi oo wadooyiinka lagu arko islamrkana ay dadka waxyeeleeyaan.

Waxaa xarumaha caafimaadka ee tuulooyinka u dhow buuraha iyo saxaraha la geeyay daawooyiin dheeraad ah oo ah kuwa ka hortaga sunta, sida uu sarkaal caafimaad u sheegay wakaaladda wararka ee Al-Ahram.

Dadka ayaa loogu baaqay inay guryahooda joogaan oo ay ka fogaadaan meelaha geedaha badan leh.

Maxaad sameyn lahayd haddii uu Dub-qalooc ku qaniino adiga oo diyaarad saaran?

Dalka Masar waxa ku nool laba nooca oo ah dub-qaloocyada ama Hangaralaha leh seenta buuran islamarkana ka mid ah kuwa ugu dilaasa caalamka.

Sunta dub-qalooca madow ee leh seenta buuran ayaa waxay qofka bini'aadamka ku dili kartaa wax ka yar saacad.

Calaamadaha lagu arko qofka uu qaniino ayaa waxaa ka mid ah neefsashada oo qofka ku adkaata, murqaha oo gariira iyo madax oo sameeya dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn.


Daawada ka hortagta Sunta ayaa loo isticmaalaa qofka ka hor inta aanay astaamuha sunta aysan soo bixin, laakiin sidoo kale ay shaqayn kartaa marka sunta ay qofka saaqdo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada