Al-Shabaab oo jab lagu gaarsiiyey dagaal ka dhacay Baraawe

Al-Shabaab oo jab lagu gaarsiiyey dagaal ka dhacay Baraawe

daajis.com:-Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-Shabaab oo ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaaladaas oo caasimad u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka, kadib uu iska hor imaad toos ah oo u dhexeyey ciidamada Xoogga iyo ragii weerarka qaaday uu ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa guullo ka sheegtay dagaalkaasi, waxaana ay shaaciyeen inay jab xoogan ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay ka dileen ugu yaraan illaa 5 xubnood, kana furteen hubkoodii.

Dhankiisa taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlay dagaalkaas ayaa sheegay inay guullo ka gaareen ciidamada dowladda, wuxuuna tilmaamay taliyuhu inay mar waliba diyaar u yihiin ka hortagga weerarada Al-Shabaab, si loo sugo amniga guud ee dalka.


Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo weli dhaq-dhaqaaqyo milatari ka wada halkaasi.

Baraawe ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo galaya Koonfur Galbeed.

Si kastaba, xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Shabeelaha ayaa had iyo jeer weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidan ee ku yaalla gobolkaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada