Ciidamada Booliska oo howl-galay, kadib amarkii taliye Xijaar

Ciidamada Booliska oo howl-galay, kadib amarkii taliye Xijaar

daajis.com:- Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay si rasmi ah u howl-galay, iyaga oo fulinaya amarkii cuslaa ee ka soo baxay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Ciidamada Booliska ayaa howl-gal ka bilaabay magaalada Muqdisho, iyaga oo baaris ku sameynayeye xalay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isaga gala goosha waddooyinka.

Howl-gallada oo lagu xaqiijinayey amniga ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyey degmooyinka Howlwadaag, Hodan iyo Waaberi, waxaana lagu arkay ciidamo dheeraad ah.

Sidoo kale waxaa howl-galkan qeyb ka ahaa la dagaalanka waxyaabaha maanka dooriya, si looga hortago ka ganacsiga waxyaabaha maanka beddala oo dhibaato ku haya deegaanka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in intii ay socdeen howl-gallada ay saameyn ku yeeshaan dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Dhankooda saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay ka hortagga falalka ammaanka, kuwa anshax xumo iyo maandooriyaha oo qeyb ka ahaa amarkii Xijaar.


Muqdisho ayaa waxaa haata ka socota doorashada Golaha Shacabka, gaar ahaan kuraasta gobollada waqooyi oo todobaadkii hore ka bilaabatay Dugsiga Tababarka Genaral Kaahiye.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada