Imaaraadka Carabta oo sabab yaab leh u ogolaaday guurka aan Islaamiga aheyn

Imaaraadka Carabta oo sabab yaab leh u ogolaaday guurka aan Islaamiga aheyn

daajis.com:- Dadka aan Muslimiinta ahey ayaa loo ogolaan doonaa inay isku guursadaan isku furaan, sida wadajir ahna u wadaagaan mas’uuliyadda ilmaha si waafaqsan sharci cusub oo madani ah oo laga hir-geliyey magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Waa tallaabadii ugu dambeysay isku day uu Imaaraadka Carabta, oo ah dal guurka iyo furriinka ay ku saleysanaayeen shareecada Islaamka, uu ku xoojinayo maqaamkiisa ah xarunta ganacsiga gobolka Bariga Dhexe.

Go’aankan ayaa kasoo baxay amiirka Imaaradda Abu Dhabi ahna madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed al-Nahayan. 

Wareegto uu saaray Sheekh Khaliifa ayaa lagu sheegay in go’aankan looga dan leeyahay “in sare loogu qaado kaalinta Imaaraadka ay kaga jirto tartanka caalamka ee lagu soo jiidanayo dadka hibada iyo hal-abuurka leh.”

Waxay intaas ku dartay in sharcigan madaniga ah ee lagu maamulo arrimaha qoyska ee dadka aan Muslimiinta aheyn uu yahay kii ugu horreeyey noociisa ah ee dunida, “si waafaqsan hab dhaqanka ugu wanaagsan ee caalamiga ah.” 

Maxkamad cusub oo la macaamisha arrimaha qoyska ee dadka aan Muslimiinta aheyn ayaa sidoo kale laga dhisi doonaa Abu Dhabi, waxayna ku howlgali doontaa luuqadaha English-ka iyo Carabiga, sida lagu sheegay wareegtada.


Imaaraadka Carabta ayaa sanadkii tegay soo saaray isbedelo sharci oo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin inaan dambi laga dhigin xiriirada galmo ee ka horreeya guurka iyo cabista khamriga.

Isbedeladan, oo ay wehliyaan tallaabooyin ay ka mid yihiin soo saarista dal-ku-gal muddo dheer, ayaa loo arkaa hab Imaaraadka Carabta isaga dhigayo dal soo jiita maal-geashiga dibadeed, dalxiiska, iyo deganaanshaha muddada fog. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada