Daawo: Buurmadow oo sheegay hadal dad badan ka yaabiyey oo la xiriira geeridii Axmed Godane

Daawo: Buurmadow oo sheegay hadal dad badan ka yaabiyey oo la xiriira geeridii Axmed Godane

daajis.com:- Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) oo kamid ah waxgaradka kasoo jeeda gobollada waqooyi (Somaliland) ayaa markii u horeysay shaaciyey inuu xarakada uga tacsiyadeeyay geeridii Axmed Godane, hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in xiligaas ay ka cabsadeen Odayaal dhaqameedkii lamidka ahaa inay ka hadlaan geerida Godane, balse asagu uu ka tacsiyadeeyay, maadama uu ahaa Nin ay tol yihiin oo reerka ka dhintay, sida uu hadalka u dhigay

“Waxaa dhacday AUN markii uu dhintay Axmed Cabdi Godane hogaamiyihii xarakada Shabaab ayaa Salaadiinteeni u soo dhacday BBC-da. Nin walba in uu ka hadlo way ka carareen, waa u tacsiyadeeyay,” ayuu yiri Boqor Buurmadow oo ka hadlay munaasibad lagu soo dhaweynayay.

“Waxaa idhi ninkaas isku caqiido ma aheyn oo isku meel uma aanu wada jeedin, laakiin nin tolka ah oo reerka ka dhintay ayuu ahaa. Isaga (Godane) iyo xarakadiisa, iyo reerka uu ka dhintayba qoys ayuu ka tirsanaa oo uu kasoo baxay waa ka tacsiyadeeyay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in marka laga yimaado dowladda federaalka ay gudaha Soomaaliya ka taliso dowlad kale oo uu ku sheegay xarakada Al-Shabaab, taasi oo uu madax kasoo noqday Godane.

“Waxaa idhaahda labo dowladood ayaa meesha ka dhisan, dowladda Shabaabka Dir ayaa madax ka ah oo weliba laguma tartamo. Waxaa rabaa Dirku inay isku soo dhawaadan.”



Boqor Buurmadow ayaa dhawaan soo gaaray caasimada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo si weyn loogu soo dhaweeyay, isaga oo markii dambe usoo gudbay xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo oo uu gaarsiiyay raali-gelin uu ka waday qaabkii foosha xuma ee loo musaafuriyay dadka kasoo jeeday maamulkaas






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada