Jabuuti oo heshay diyaarad ay u adeegsato ciidamadeeda jooga Soomaaliya

Jabuuti oo heshay diyaarad ay u adeegsato ciidamadeeda jooga Soomaaliya

daajis.com:-  Dowladda Jabuuti ayaa heshay diyaaraddii labaad ee nooceedu yahay MA-60, taasoo ay u adeegsan doonto howlaha dhinaca gaadiidka hawada ee ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya.

Diyaaraddan oo uu Shiinaha siiyay Jabuuti waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Jabuuti ku guddoomay wasiirka Gaashaandhigga ee dalkaas, Xasan Cumar.

“Ujeeddada diyaaraddan cusub waa in la xoojiyo awoodda ciidamada cirka ee Jabuuti iyo in sare loo qaado wax baaxaddooda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Waxaa sidoo kale bayaanka lagu sheegay in diyaaraddan howsha ugu muhiimsan ee ay qaban doonto ay tahay mid la xiriirta dhinaca Soomaaliya.


“Diyaaraddan nooceedu yahay MA-60 waxaa inta badan loo isticmaali doonaa kala baddalidda askarta Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya”.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada