Midowga Musharrixiinta oo shaaciyay in ay ka hortagayaan doorashada boobka ah.

Midowga Musharrixiinta oo shaaciyay in ay ka hortagayaan doorashada boobka ah.

daajis.com:-  Waxaa Maalintii Afaraad oo xiriir ah uu shir uga socdaa Magaalada Muqdisho Xubnaha Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha, kaas oo ay kaga hadlayaan xaaladda dalka & Arrimaha doorashooyinka.

Shirka ayaa waxaa ay uga hadlayaan arrimo ku saabsan doorashooyinka & sidii looga hortegi lahaa boob ay sheegeen in lagu haayo doorashada Golaha Shacabka ee dalka ka socota.

Afhayeenka Midowga Musharrixiinta Musharrax Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Midowga Musharrixiinta Mowqifkoodii ku aadanaa arrimaha socda aysan jirin wax iska bedelay ayna aaminsan yihiin in waxa socda ay yihiin boob qaawan oo aan doorasho lagu sheegi karin.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay weli wadaan kulamadooda kala duwan, isla markaana ujeedkooda uu yahay inay saamileyda siyaasadeed saxaan qalalaadka kajira doorashada si loogu gudbo hanaan doorashooyin oo la aqbalsan yahay.


Golaha Midowga Musharrixiinta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay walaac ka muujinayeen sida ay ku socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka, iyaga oo dalbanayay in la joojiyo.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada