Dalalka Khaliijka iyo Mareykanka oo soo saaray qoraal ka dhan ah Iran

Dalalka Khaliijka iyo Mareykanka oo soo saaray qoraal ka dhan ah Iran

daajis.com:- Mareykanka iyo dalalka ay xulufada yihiin ee Khaliijka ayaa Arbacadii ku eedeeyey Iran inay xasarad Nukliyeer iyo xasillooni darro Bariga Dhexe uga abuureyso gantaalladeeda ballistic-ga iyo diyaardaah drone-ka.

Digniintan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen kooxda qaabilsan Iran ee Mareykanka iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka kadib shir ay ku yeesheen Sacuudi Carabiya.

“Dhammaan ka qeyb-galayaasha waxay ku booriyeen maamulka Iran inuu ka faa’iideysto fursadda diblomaasiyeed ee hadda” ee ka dhalaneysa dib u bilaabidda wada-hadallada Vienna ee looga dan leeyahay badbaadinta heshiiska Nukliyeerka Iran, ayna “ ka hortagaan dagaal iyo xasarad,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wada-hadalladan aan tooska aheyn ee Mareykanka iyo Iran ayaa la hakiyey kadib markii ay Iran dooratay madaxweyne cusub bishii June, waxaana hadda la waqtiyeeyey inay dib u billowdaan dhammaadka bishan.

Waxaa looga gol leeyahay in dib loo cusbooneysiiyo heshiiska Nukliyeerka Iran ee 2015.

Mareykanka ayaa heshiiskaas ka baxay 2018 intii uu madaxweyne ahaa Donald Trump, wuxuuna dib usoo celiyey cunaqabateynadii saarnaa Iran, waxaana ayada oo ka jawaabeysa Iran ay joojisay u hoggaansamidda heshiiska.

“Iran waxay qaaday tallaabooyin aan baahi rayid ah laheyn balse muhiim u ah barnaamijkeeda hubka Nukliyeerka,” ayaa lagu yiri bayaanka oo ay si wadajir ah usoo saareen Mareykanka, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Qatar, Baxreyn, Cumaan iyo Kuweyt.

Dalalkan ayaa sidoo kale cambaareeyey wax ay ugu yeereen “siyaasado halis iyo daan-daansi ah, oo ay ku jiraan adeegsiga gantaallada ballistic-ga iyo diyaaradaha drone-ka.”

“Taageearada Iran ay siisay maleeshiyooyinka hubeysan ee gobolka iyo adeegsigeeda barnaamjka gantaalalda ballistic waxay halis cad ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qaar ka mid ah dalalka Khaliijka sida Qatar iyo Cuman ayaa loo arkaa inay marin u yihiin Mareykanka si uu ula xiriiro Iran.




Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale bilihii dhowaa u muuqatay inay qaboojisay xiisdda Iran ayada oo labada dal ay wada-hadallo dhowr ah ku yeesheen Ciraaq.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada