Midowga murashaxiinta oo war culus soo saaray eedeyna ujeediyeen Rooble

Midowga murashaxiinta oo war culus soo saaray eedeyna ujeediyeen Rooble

daajis.com:- War qoraal ah oo caawa fiidkii kasoo baxay golaha midowga murashaxiinta ayey kaga hor yimaadeen qaabka doorashada baarlamaanka usocoto iyagoo eedeyn ujeediyey R/wasaare Rooble.

Waxay dhaliileen hanaanka doorashada iyo dib udhacyada ku imaanaya marba marka ka dambeysa jadwalkii lasoo gudbinayey waxaana ay ku celiyeen inaysan raali ka noqon karin muddo kororsi dalkaan la geliyo.

Warka ay soo saareen golaha murashaxiinta ayey ka digeen dib udhigista doorashada golaha shacabka ay waddanka uhorseedi karto xaalad halis ah sida ay sheegeen.

Murashaxiinta waxay soo jeediyeen in jadwal rasmi ah la shaaciyo oo doorashada golaha shacabka ku bilaabaneyso kuna dhamaaneyso.


Waxay ku baaqeen in doorashadu noqoto mid daah furan oo ka fog arimo gaar ah in la isku hoos geliyo ama kuraasta qaar la xirto.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada