DEG-DEG: Puntland oo amar dul-dhigtay Ciidanka PSF, & Gallan oo hanjabay

DEG-DEG: Puntland oo amar dul-dhigtay Ciidanka PSF, & Gallan oo hanjabay

daajis.com:- Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, iyo Taliyaha Ciidammada Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay ka xun yihiin inuu diidan yahay Agaasimihii xilka laga qaaday ee Hay’adda Ciidanka PSF Puntland inuu wareejiyo Xafiiska.

Wasiir Gallan ayaa sheegay in Ciidanka PSF ay yihiin Ciidan dowladeed oo uusan qof laheyn, loona baahan yahay in Maxamuud Cismaan Diyaano xilka wareejiyo. Sidoo kale Gallan ayaa amray Ciidanka PSF in aysan qaadan amarka Agaasimaha xilka laga qaaday, sidoo kalena ay ku jiraan xeradooda.

“Dhamaan ciidamada PSF ee Boosaaso jooga waxa la farayaa in aysan xerada kasoo bixin, gadiidkana sidoo kale, Xilku waa meerto, Maxamuud Cismaan waxaan leeyahay yaan dhalinyaranimo ku qaadin, Anagu waxaan u dhaaranay difaaca Puntland, cidna ka yeeli mayno in ay Amniga Khalkhal geliso.” Wasiir Gallan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada