Daawo Sawiriada: Safiirada Somalia ee Pakistan oo ku guuleysatay biladda safiirka sanadka

Daawo Sawiriada: Safiirada Somalia ee Pakistan oo ku guuleysatay biladda safiirka sanadka

daajis.com:- Safiiradda Soomaaliya ee dalka Pakistan marwo Khadiija Al-makhzoumi ayaa maalintii shalay aheyd la gudoonsiiyey bilad sharafta qaaliga ah ee safiirka ugu wanaagsan ee sanadka 2021. 

Biladda sharaftaan ayaa ah mid dalka Pakistan uu sanadkiiba mar labixiyo, laguma abaalmariyo safiirada dalalkooda sida wacan ugu adeega ee fadhigoodu yahay magaalada caasimadda ah Islamabad.

Safiirad Khadiija waxay abaal marintaan ku kasbatay ayadoo muujisay howl karnimo, firfircooni iyo sida ay u hormarisay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Pakistan mudadii ay halkaasi safiiradda ka aheyd. 

Waxay muddadii ay xilka haysay ka shaqeysay mashruucyo badan oo faa’iido u leh dadka iyo dowladda Soomaaliya, sidoo kale ay ku jirto danta labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Pakistan.

Safiirad Khadiija ayaa sidoo kale ka shaqeysya caawinta iyo u adeegidda jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan, oo badankood ah arday dalkaas u tegay waxbarasho.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada