Deg Deg: Ciidamada PSF oo dhufeyso qotay, cabsi soo wajahday Saciid Deni iyo xaalad culus oo ka taagan Boosaaso

Deg Deg: Ciidamada PSF oo dhufeyso qotay, cabsi soo wajahday Saciid Deni iyo xaalad culus oo ka taagan Boosaaso

daajis.com:- Madaxda Hay’adda PSF ayaa maanta mar kale ku celisay in aysan aqoonsanayn xilka qaadistii Madaxweyne Siciid Deni ku sameeyay Agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano.

War ka soo baxay PSF ayaa lagu sheegay in aysan waxba iska beddelin mowqifkii hay’addu kaga hortimid xilka qaadistii uu sameeyay Madaxweynaha Puntland.

Warkan ayaa ku soo beegmay saacado kooban kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo uu kamid yahay wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan uu sheegay iney Boosaaso u imaadaan xil wareejinta hay’adda PSF balse aysan wali u hergelin.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee PSF ee  ka amar-qaadan Agaasimaha xilka qaadista lagu sameeyay ayaa dhagaha ka fureestay dalabyada ku aadan iney xilka wareejiyaan waxaana ay hadda wadaan dhaqdhaqyo culus oo qalqal ku abuuray Saciid Deni.

Wararkii ugu dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidanka PSF ee ku sugan Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso iney qoteen dhufeyso dagaal kaddib markii uu Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ciidankaas usoo magacaabay Agaasime Cusub.

Ciidamada PSF ayaa ah kuwa si aad ah u diyaarsan islamarkana loogu talagalaya la dagaalanka argagaixsasda iyo sugidda amniga Puntland waxaana muuqata in Saciid Deni uu doonayo inuu siyaasad u adeegsado taa ciidanka si isku mid ah ay uga soo hor jeesteen.

Dhanka kale ciidamadan waxaa taageera dhamaan shacabka reer Puntland iyadoo laga cabsi qabo iney duulaan ku qaadaan madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo afaarahooda soo galay.


Muqdisho-Somalia








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada