Guddiga doorashooyinka oo hakiyay doorashada kursigii loo diiday Gudoomiye Jawaari

Guddiga doorashooyinka oo hakiyay doorashada kursigii loo diiday Gudoomiye Jawaari

daajis.com:- Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa hakiyay doorashada kursigii dhawaan loo diiday in uu tartamo Gudoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

War kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in cabasho xoogan ay ka timid qabashada kursigaasi, islamarkaana la hakiyay ilaa inta laga helaayo xal buuxa.

Warka Guddiga ayaa sidaan u qornaa:

Waxaa mahad iyo bogaadin u soo jeedinayaa guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo si hagar la’aan ah u wada hawsha doorashada, iyadoo maanta ay kuraastii doorashada golaha shacabka ee ugu horaysay ay ka dhacayso Baydhabo.

Haddaba iyadoo ay ka imanayso cabasho habraaca loo maray kursiga tirsigiisu kor ku xusan yahay, iyadoo guddigu (FEIT) saaka ka yeesheen shir ayaa ay isku raaceen in la hakiyo doorashada kursigaas, haddaba waxaan faraynaa guddoonka iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed in la joojiyo qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay 103 ilaa amar danbe.


Haddaba, amarka hakintaani wuxu soconayaa ilaa inta guddigu ka xalinayo tabashooyinka ka soo yeeraya habraaca loo maray.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada