Dhaxal Sugaha Abu Dhab Mohammed bin Zayed oo shaaciyey saddex sabab oo ay dartood ula heshiiyeen Israel

Dhaxal Sugaha Abu Dhab Mohammed bin Zayed oo shaaciyey saddex sabab oo ay dartood ula heshiiyeen Israel

daajis.com:- Dhaxal Sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa shaaca ka qaaday sababta uu dalkiisu u go’aansaday inuu heshiis nabadeed la saxiixdo Israel.

Hadalkaan ayuu Bin Zayed ka sheegay xaflad lagu guddoon siinayey abaalmarinta “Research Statesman Award” ” ee Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga dhow, taasi oo uu ku helay doorkii uu ku lahaa “Horumarinta Nabadda iyo Dulqaadka”.

Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa yiri: “Waxaan helnay fursad, waxaana go’aansanay inaan xiriir diblomaasiyadeed la yeelanno Israel tani waa go’aan muhiim ah sababo badan awgood.”

Sababaha ku kalifay in Imaaraadka ay xiriir la yeelato Israel ayuu ku sheegay dhowr qodob oo ay kamid ahaayeen:

1- Inay Nabadda u doorteen maslaxadda Falastiiniyiinta laftooda
2- Inay Caalamka u diraan farriin muujineyso in Imaaraadka uu raadinayo Nabad
3- Inay ka turjumaan dabeecadii aasaasihii imaaraadka Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan oo aheyd mid ku dhisan Nabad.

Sheikh Mohammed ayaa sheegay inay ku taagan yihiin wadada aasaasihii Imaaraadka oo uu sheegay inuu noloshiisa ku qaatay dal jaceyl iyo Nabadda.

Mohammed Zayid waxa uu caddeeyey in faa’iidada nabadda ay aad uga badan tahay khasaaraha, sidaas darteedna wuxuu sheegay in Imaaraadku uu ku taamayo nabad ka weyn middaas, taas oo uu ku sheegay inay tahay mid u adeegeyso danta guud.

Machadka Washington ee siyaasadda bariga dhow ayaa abaal marinta caalamiga ah guddoonsiiyay Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, xaflad lagu qabtay Abu Dhabi taasoo uu ku muteystay doorkii uu ku lahaa “hoggaanka dadaallada nabadeed ee caalamiga ah iyo faafinta dulqaadka diinta.”

15-ka Bishii September sanadkii 2020, Israel waxay heshiis la gashay Imaaraadka iyo Baxrayn si loo caadiyeeyo xiriirkooda, waxaana garwadeen ka ahaa Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kadibna labada dal waxay kala saxiixdeen heshiisyo iskaashi oo wadajir ah oo dhinacyo kala duwan leh, oo ay ku jiraan duulista, ganacsiga, maalgashiga. iyo ciyaaraha.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada