Ra’iisul Wasaarihii Sudan ee la afgambiyey oo si lama filaan ah xukunka ugu soo laabtay

Ra’iisul Wasaarihii Sudan ee la afgambiyey oo si lama filaan ah xukunka ugu soo laabtay

daajis.com:- Militariga Sudan ayaa ogolaaday inuu dib xukunka ugu sii laabto ra’iisul wasaarihii la afgambiyey ee dalkaas Abdalla Hamdok kadib heshiis la gaaray habeenkii Sabtida.

Soo laabashada lama filaanka ah ee Hamdok ayaa waxaa wakaaladda wararka Reuters u xaqiijiyey Fadlallah Burma Nasir, oo ah madaxda xisbiga Ummah.

Hamdok ayaa soo dhisi doona gole wasiiro oo cusub, waxaana lasii deyn doonaa dhammaan maxaabiista siyaasadeed, taasi oo qeyb ka ah heshiiska militariga iyo xisbiyada siyaasadeed ee rayidka, sida uu maanta shaaciyey Fadlallah.

“Waxaa la gaaray heshiis siyaasadeed oo dhex-maray Jeneral Burhan, Abdalla Hamdok, xoogagga siyaasadeed iyo ururada bulshada rayidka si Hamdok uu ugu soo laabto jagadiisa loona sii daayo maxaabiista siyaasadeed,” ayuu yiri Fadlallah. 

Go’aankan ayaa imanaya ayada oo maalmihii tegay ay dalkaas ka dhacayeen dibad-baxyo rabshado wata oo lagu dilay shacab lagu qiyaasay 40 qof, ayada oo boqolaa kalena lagu dhaawacay.

Kooxaha u dhaqaaqa bulshada ayaa dhiiri-gelinayey in lasii wado dibad-baxyada ayaga oo kasoo horjeeda afgambiii lagu riday dowladda Abdalla Hamdok. 

Hoggaamiyaha militariga Abdel Fattah al-Burhan ayaa 25-kii October ku dhowaaqay xaalad deg deg ah, wuxuuna kala diray dowladdii ku-meel gaarka aheyd, isaga oo xiray hoggaankeeda oo uu ku jiro ra’iisul wasaare Hamdok.

Afgambiga ayaa soo afjaray laba sano oo xukun rayid oo ku-meel gaar ah, waxaana uu horseeday cambaareyn calami ah, ayada oo beesha caalamka ay dalbatay in lasoo celiyo dowladda rayidka.

Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta oo xiriir dhow la leh militariga Sudan ayaa 4-tii bishan ku biiray Mareykanka iyo Britain ayagoo soo saaray baaq ay ku dalbanayaan in lasoo celiyo dowladdii rayidka.

Mowqifka mideysan ee quwadahan Carbeed ayaa imanaya ayada oo Washington ay rajeyneysay in militariga laga dhaadhicin karo inay aqbalaan xal ay sumcaddooda ku ilaashanayaan.

Washington ayaa si deg deg ah u hakisay kaalmo dhaqaale oo gaareysa 700 milyan oo dollar oo ay ugu talo-gashay Sudan.

Sudan ayaa sidoo kale cadaadis kala kulantay Midowga Afrika oo hakiyey xubnimadeeda “illaa ay dib ugu soo caliso nidaamkii rayidka.”







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada