Kooxdii fulisay qaraxyada Kambala oo la shaaciyey & qof isqarxin rabay oo..

Kooxdii fulisay qaraxyada Kambala oo la shaaciyey & qof isqarxin rabay oo..

daajis.com:- Afhayeen u hadlay Booliska Uganda, Fred Enanga ayaa sheegay in xogaha sirdoonka ay hayaan ay muujinayaan in qaraxyadii ka dhacay Kambala ay ka dambeysay koox lagu magacaabo ADF oo dagaal kula jirta dowlada Ugandha.

Lix qof ayaa ku dhimatay qaraxii maanta ka dhacay caasimadda Uganda, saddex ka mid ah dadkaas ku dhintay weerarka waxay ahaayeen kooxihii qaraxa fuliyay.


Wuxuu intaa ku daray in qof kale oo ka mid ahaa kooxihii qaraxa ka dambeeyay la qabtay isla markaana gurigiisa laga helay Jaakadaha qarxa.




Afhayeenka u hadlay booliska wuxuu sidoo kale sheegay in 33 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, 5 ka mid ah dadkaas ay la il-daran yihiin dhawaacyo culus.

Kooxda ADF oo la sheego iney xiriir la leedahay Daacish ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkii bishii lasoo dhaafay lagu qaaday Kampala.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed