Maxkamad Milatari oo dil ku xukuntay Musharax Madaxweyne Khalifa Xaftar

Maxkamad Milatari oo dil ku xukuntay Musharax Madaxweyne Khalifa Xaftar

daajis.com:- Maxkamad Milatari oo ku taalla magaalada Misrata ee dalka Liibiya ayaa soo saartay xukun dil ah ku ridey General Khalifa Xaftar oo kamid ah musharaxiinta madaxwtinimada dalka Libya.

Jenaraal Khaliifa Xaftar ayaa loo haystaa duqeyn ka dhacday xarunta ciidamada cirka ee magaalada Misrata laba sano ka hor iyadoo ay askar ka tirsan Ciidamada dowladda ku dhinteen duqeyntaasi.

Horaantii bishaan Jenaral Xaftar ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharaxa doorashada madaxtinimo ee lagu wado inay ka dhacdo dalka Libya bisha soo socota ee December.

Shalay guddiga doorashada Liibiya ayaa diiday musharaxnimada Saif al-Qadaafi, oo ah wiil uu dhalay hoggaamiyihii la afgembiyay ee Mucamar Al-Qadaafi, sababtoo ah waxaa doon-doonaysa maxkamadda dambiyada dagaalka adduunka ee ICC oo sheegtay inuu galay dambiyo dagaal.

Warbaahinta gudaha dalka Liibiya ayaa baahisay in maxakamaddu booliska ku boorrisay inay fuliyaan xukunka la riday iyadoo la raacayo shuruucda.

Faahfaahin intaa dheer lagama bixin warkaan ku saabsan xukunka maxakamddu ku ridday generaalka woodda badan ee saldhigiisu yahay bariga dalka Liibiya.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada