Qarax ka dhacay Muqdisho & khasaaro ka dhashay

Qarax ka dhacay Muqdisho & khasaaro ka dhashay

daajis.com:- Qaraxa oo ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada aada Villa Baydhabo.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lagu weeraray Kolonyo ka tirsan AMISOM oo ay saarnaayeen Saraakiil ka tirsan AMISOM oo saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka shir kula yeeshay Xerada Villa Baydhabo.

Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa ay ku geeriyoodeen laba Ruux oo Shacab ah halka 5 kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhamaantood wadada marayay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in burbur uu soo gaaray mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM ee qaraxa lagu weeraray, iyada oo dadka ku dhaawacmay qaraxa la geeyay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.




Waa qarixii labaad ee Maanta ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyada oo barqadii Maanta Ciidamo ka tirsan dowladda Hoose qarax miino lagula eegtay Agagaarka Ceelqalaw ee degmada Wadajir.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada