SAWIRO:- Maamulka G/ Hiiraan oo lagu wareejiyay Agab loogu talo galay Amniga doorashooyinka

SAWIRO:- Maamulka G/ Hiiraan oo lagu wareejiyay Agab loogu talo galay Amniga doorashooyinka

daajis.com:- Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wareejiyay Agab loogu talagalay hubinta Amniga Doorshada Golaha Shacabka ee ee lagu qabanayo Magalada Beledweyne.

Agabkaan oo ka kooban dhowr waxyaabood ayaa waxaa bixiyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, iyada oo loo soo marsiiyay Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ee ku sugan Beledweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo Agabkaan la wareegay ayaa uga mahad celiyay Saraakiisha UNSOM, isaga oo sheegay in sidii loogu talo galay loogu Shaqeyn doono.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana laga dareemayaa diyaar garoowgii ugu dambeeyay.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada