Xoogaga Ahlusunna oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka bilaabay duleedka Dhuusamareeb

Xoogaga Ahlusunna oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka bilaabay duleedka Dhuusamareeb

daajis.com:- Wararka laga helayo degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay xoogaga Ahlusunna ee ku sugan ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo Ciidan, kaas oo siweyn loo dareemay.

Degaanka Bohol ayaa waxaa uu qiyaastii 30km dhinaca waqooyi kaga beegan yahay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ku sugan xoogaga Ahlusunna ee isaga baxay degmada Guriceel oo ay kula dagaalameen Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.

Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Ahlu Sunna ayaa mar sii horeysay bartiisa Facebook ku soo qoray “Ama Dhuusamareeb ama geeri, Insha’Allah, isaga oo sidoo kale sheegay in Ahlusunna hal go’aan leedahay.

Warar sidoo kale soo baxayay ayaa aheegayay in habeen ka hor ay tageen degaanka Gadoon ee duleedka Dhuusamareeb Ciidamo ka tirsan Ururka Ahlusunna Waljamaaca.

Qaar kamid ah dadka kunool Magaalada Dhuusamareeb iyo degaannada hoostaga ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi ku aadan dhaq dhaqaaqyada hoggaanka Ahlusunna maadaama uu sababi karo dagaal dhexmara Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Dhaq dhaqaaqyada ay bilaabeen xoogaga Ahlusunna ee ku sugan degaanka Bohol ayaa la sheegay inay keentay kadib markii ay ka caroodeen hadalkii dhawaan uu Dhuusamareeb ka sheegay Ra’iisul Wasaare Rooble ee ahaa inay nabadiid yihiin kana hortagayaan cid kasta oo wada khalqal gelinta Maamulka Galmudug.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada