Xiisad dagaal oo ka taagan gobolka Sanaag (Warbixin)

Xiisad dagaal oo ka taagan gobolka Sanaag (Warbixin)

daajis.com:- Wararka aan ka helayno deegaanka Yube ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in deegaankaas dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoogan ka bilaabeen kuwa Somaliland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Somaliland ayaa ku wajahan dhinaca deegaanka Hadaaftimo ee gobolka Sanaag, xili ay halkaas meel u dhow fariisimo waaweyn ka sameysteen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Ciidamada Somaliland ayaa lagu soo waramayaa inay wataan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiid dagaal oo gaaray illaa 18, kuwaasi oo ku wajahan deegaanka Hadaaftinimo.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sidoo kale ka bilowday qeybo kamid ah deegaanada gobolka Sanaag, waxayna imanayaan xili ay dhawaan halkaas tageen mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada Puntland ay laftigoodu wadaan dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul ciidan, waxaana deegaanadaas laga dareemaya cabsi weyn oo soo food saartay dadka ku nool.


Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa dhowr jeer ku dagaalamay gobolka Sanaag, wuxuuna inta badan murankoodi ku saleeyay maamulka deegaanada xaduudka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada