Xizbullah ‘oo dhaqdhaaqyo ka wada’ dalka Colombia

Xizbullah ‘oo dhaqdhaaqyo ka wada’ dalka Colombia

daajis.com:- Colombia ayaa Axaddii sheegtay inay isha ku hayso dhaqdhaaqyo ay kooxda Xizbullah ee Shiicada ah ka waddo dalkaas, ayada oo ku eedeysay inay fuliso falal dambiyeed.

“Laba bil kahor waxaan ku qasbanaanay inaan la tacaalno xaalad keentay inaan abaabulno howlgal lagu qabtay laguna eryey laba dambiilayaal oo ay shaqaaleysay kooxda Xizbullah, oo ujeedkoodu ahaa inay falal dambiyeed ka fuliyaan gudaha Colombia,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Gaashaandhigga Colombia Diego Molano oo wareysi siiyey wargeyska maalinlaha ah ee El Tiempo.

Ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer oo ku saabsan howlgalka dowladda.

Hase yeeshee wargeyska, oo soo xiganaya ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka militariga, ayaa sheegay in kooxda reer Lubnaan ay basaaseysay ganacsato Mareykan iyo Israeli ah oo ku sugan Colombia.

Dalka Colombia ayaa waxaa ku nool jaaliyad reer Lubnaan ah oo tiro muuqato leh.

Kooxda Xizbullah ayaa waxaa horey loogu warramay inay ku sugan tahay dalka Venezuela iyo dalal kale oo ka tirsan Latin America.

Molano ayaa sheegay “inay jirto halis la xiriirta joogitaanka Xizbullah ee Venezuela iyo halista amni ee Colombia uga iman karta xiriirka ay kooxdaas la leedahay kooxaha argagixisada ee ku sugan dhinaca xuduudda Venezuela.”

Isaga oo booqasho Israel uu ku tegay ku wehliya madaxweyne Ivan Duque, ayaa Molano wuxuu 8-dii November sheegay in labada dal “ay wadaagaan cadow guud oo ah Iran iyo Xizbullah.”

Hase yeeshee wuxuu Axaddii sheegay inuu ku deg degay hadalkaas.

Hadalkiisa ayaa waxaa aad looga cambaareeyey Iran – oo Colombia la laheyd xiriir diblomaasi tan iyo 1975-kii – waxaana safiirka Tehran ee Bogota Mohammad Ali Ziaei uu sheegay “in burburinta xiriirka aysan dan ugu jirin shacabka.”


Madaxweyne Duque ayaa goor dambe sheegay “in Colombia aysan eregyga ‘cadow’ u adeegsan dal kale,” isaga oo intaas ku daray “intaas aysan ka dhigneyn inaan ku kala aragti duwanweyn su’aalaha gaarka ah ee Iran.”

AFP + VOA






_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada