Xog: NISA oo garoonka Muqdisho ku qabatay diyaarado drone ah iyo xildhibaan sheegtay Iyo Sawirro

Xog: NISA oo garoonka Muqdisho ku qabatay diyaarado drone ah iyo xildhibaan sheegtay Iyo Sawirro

daajis.com:-Ciidamada Nabad-Sugidda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde toddobaadkii tegay ku qabtay diyaarado Drones ah, kuwaas oo ay la wareegeen, sida ay ogaatay Caasimada Online.


Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in diyaaradaha ay yihiin illaa lix, waxaana laga soo iibiyey dalka Turkiga, ayada oo dalka la keenay ayaga oo kala furfuran si gudaha dalka loogu rakibo. 


Diyaaradaha ayaa waxaa sidoo kale la socday oo lala qabtay laba farsamo-yaqaan oo u dhashay dalka Turkiga, kuwaasi oo qorshuhu ahaa inay diyaaradaha rakibaan, kadibna howl-geliyaan.


Labada qof ee Turkish-ka ayaa lasii daayey kadib markii ay soo faro-gelisay safaaradda Turkish-ka, oo dalbatay in la fasaxo haddii aan lagu hayn caddeymo dmabi ay galeen. 


Sawirro ay heshay Caasimada Online ayaa muujinaya in diyaaradaha ay yihiin kuwa waa weyn, oo u eg kuwa fuliya weerarada.


Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in diyaaradaha uu sheegtay inuu leeyahay xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, oo ku dooday inuu u keensaday inuu u adeegsado inay waraabiyaan beero ku yaalla Puntland. Zakariye ayaa la filayaa inuu dhowaan warbaahinta la hadlo, oo uu faah-faahiyo kiiskan.


Maamulka Puntland oo dhinaca kale qoraal soo saaray ayaa sheegay inaan diyaaradahan loo keeni karin. 


Saraakiil ka tirsan Nabad-Sugidda Soomaaliya, oo la hadlay Caasimada Online balse codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in diyaaradahan ay halis ku yihiin amniga, ayada oo uu jiro shaki weyn oo ku aadan ujeedka rasmiga ah ee loo keenay dalka. 


Waxaa sidoo kale jira tuhun ah inay suurta-gal tahay in diyaaradaha loo waday dalal shisheeye oo kale. 


Saraakiisha NISA ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradaha aysan la socon warqadaha iibkan, oo aysan caddeyn cida dhab ahaan iska leh, taasi oo sii kordhisay shakiga.


Hoos ka arag sawirrada diyaaradaha la qabtay 







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada