Al-Shabaab oo la wareegay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

Al-Shabaab oo la wareegay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

daajis.com:- Xubno katirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ayaa Maanta waxaa ay si nabadgalyo ah kula wareegeen degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Degmada Matabaan ayaa waxaa gacanta ku haayay Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug iyo maleeshiyaad tiro yar , balse la sheegay inay isaga baxeen markii ay kusoo dhawaadeen Al-Shabaab.

Shalay Al-Shabaab waxaa ay la wareegeen deegaannada Bacda iyo Beergadiid oo hoos taga degmada Matabaan, iyaga oo aan wax iska caabin ah kala kulmin Ciidamadii ku sugnaa.

Degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan balse Maamul ahaan hoostagta Galmudug ayaa waxaa dhowr jeer isku bedbedelay Ciidamada Galmudug iyo xoogaga Ahlusunna, waxaana taliyaha Booliska degmada Matabaan dhawaan si KMG ah loogu Magacaabay Taliyaha Booliska Guriceel.


Madaxda Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada qeynta 27aad ayaan weli ka hadlin la wareegitaanka Ururka Al-Shabaab ee degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada