Askari dil u geestay Dhalinyaro banooni ciyaareesay oo Xukun dil ah lagu riday

Askari dil u geestay Dhalinyaro banooni ciyaareesay oo Xukun dil ah lagu riday

daajis.com:- Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta  xukun dil ah ku riday askari katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya oo dhawaan si bareer ah magaalada Balad Xaawo ugu dilay labo wiil oo dhalinyaro ahaa.

Maxkamada ayaa ku heshay Dable NISA Maxamed Cali Xuseen, in Bishii November ee sanadkaan degmada Beled-Xaawo ku dilay labo wiil oo lagu kala magacaabayay Axmed Sharmaake Cabdullaahi & Sakariye Axmed Gaarane oo Shacab ahaa.

Askarigaan ayaa dhalinyarada uu dilay ugu tagay garoon ay kubad ku ciyaarayeen kadibna halkaasi ku dilay, askarigana ayaana baxsaday dilka markii uu geestay kadib, iyadoona ugu dambeyn ciidamada amaanka soo qabteen.


Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in dood dheer kadib dable NISA Maxamed Cali Xuseen lagu riday xukun dil toogasho oo ah qisaasta labada marxuum.



Dilalka ciidamada dowlada u geesanayaan dadka shacabka ayaa mudooyinkan kusoo kordhay magaalada Muqdisho, habeeno kahor ayeyna aheyd markii ciidamo katirsan dowlada laamiga Maka Al mukarama ugu dileen sadex dhalinyaro ah oo wadada socday.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada