Arrinta Farmaajo ‘uga muhiimsan in markale dib loo doorto’

Arrinta Farmaajo ‘uga muhiimsan in markale dib loo doorto’

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo wareysi siiyey telefishanka Universal ayaa sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ay wax walba uga muhiimsan yihiin inuu meel-mariyo labadii sano ee muddo kororsiga.

Waxa uu sheegay in go’aanka muddo kororisga uu yahay mid xataa kala weyn in uu markale dib loo doorto oo uu soo laabto, maadama uu si buuxda u hubin waxa kasoo bixi doona doorashooyinka.

“Aniga aqoon ayaa u leeyahay xaalad walba ayaa isla so marnay, wax walba waxaa uga muhiimsan in uu meelmariyo labadii sano, go’aankaas xataa in isaga uu madaxweyne soo noqdo waa uga muhiimsan tahay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dooda ka taagan kuraasta qaarkood iyo hadal haynta ka taagan ay tahay mid dabooleysa hanaanka qaldan ee doorashada iyo muddo dhaafkeeda, taasi oo uu sheegay inay si dadban ugu meelmarinayso muddo kororsiga uu rabo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“In kuraasta lagu mashquulo aniga waxaa u arkaa inay tahay istaraatijiyada ay wadato dowladda oo ujeedada tahay yaan la fiirin wax weyn oo haleysan, ha lagu mashquulo kursiga Yaasiin Farey iyo kursiga hebelow, markay qir iyo qir gaarto ha la fasaxo.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay doorashada Golaha Shacabka ka dhasheen cabashooyin badan oo la xiriira kuraas si gaar ah loogu xiray shaqsiyaas, ayada oo laga hor istaagay musharaxiin u taagna iyo nabaddoonadii saxiixahooda rasmiga laha.

Inkasta oo ay socota doorashada haddana waxaa jira gaabis badan oo ku yimid jadwalka loo asteeyay, taasi oo muddo kale ugu sii daraya in madaxweyne Farmaajo uu sii dhex fadhiyo Villa Somalia, midaasi oo si adag uga horyimaadeen mucaaridka.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada