Boosaaso:- Guddiga Amniga Gobolka Bari oo go’aano kasoo saaray xaaladda Boosaaso

Boosaaso:- Guddiga Amniga Gobolka Bari oo go’aano kasoo saaray xaaladda Boosaaso

daajis.com:- Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa Maanta kulan ku yeeshay Guddiga Amniga Gobolka Bari, iyaga oo kaga hadlay xaaladda Magaalada oo maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Agaaaimihii Ciidamada Hay’adda PSF.

Go’aano la xiriira dhanka amniga ayaa kasoo baxay kulanka oo uu shir Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari  Gaashaanle Sare Cabduqaadir Jaamac Dirir, iyada oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha Ciidamada Amniga Gobolkaasi Bari.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Abwaanka ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay xiisad aan jirin laga abuuray magalada Boosaaso, isla markaana dadka jecel burburka Punfland aysan dhici doonin arrintaas haatana ay tahay mid nabad ah, wuxuuna akhriyay go’aannada ay soo saareen oo kala ah.

1: In Maanta laga bilaabo in Ciidamada Ammaanka ay howlgallo ka fulin doonaan dhamaan xaafadaha Magaalada Boosaaso xilli qeyb kamid ah ay ku sugan yihijn Ciidamada PSF oo hubeysan.

2: In  Ciidamo hubeysan oo aan aheyn kuwa howlgalka kujira aan lagu arki karin Gudaha Magaalada Boosaaso.

3: In guddiga amniga ay ilgaar ah ku hayaan dadka caadeystay falalka kicinta & barabogaandada ah ee amniga Bulshada lagu khalqal gelinayo.

Guddoomiyaha Gobolka Bari waxaa uu sheegay inay jiraan dad wada kicin Bulsho, kuwaas oo lagaco kusoo qaata, iyaga oo ku sugan degaano ka tirsan Puntland ama Gobolo kale, kuwaas oo uu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Magaalada Boosaaso aysan jirin wax xiisad ah oo ka taagan,isla markaana arrinta ku saabsan Agaasimihii xilka qaaday ee PSF dhawaan iska dhamaan doonto.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada