Ciidamo iska soo horjeeda oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada Boosaaso iyo cabsi taagan

Ciidamo iska soo horjeeda oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada Boosaaso iyo cabsi taagan

daajis.com:- Wararka naga soo gaarayo Magaalada Boosasaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Maanta halkaas ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay sameenayaan ciidamo ka amar qaata madaxweyaha Puntland Saciid Deni iyo ciidamada PSF.

Ciidamada dhaq-dhaqaaqyada ciidan wado ayaa kala ah Ciidamada Badda Puntland (PMPF) oo agaasime ku xigeenka uu Siciid Deni u magacaabay xilka la wareegay 27-kii November iyo ciidamada PSF e ka hor yimid xil ka qaadista lagu sameeyey agaasimahooda.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si cad u sheegay in ay ka go’an tahay xil ka wareejinta Agaasimaha PSF iyo inuu soo afjari doono in ciidamada Puntland ay hoos tagaan Shaqsiyaad, hadalkaas & ciidanka uu dul dejiyay Xeryaha Ciidamada PSF ayaa xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada labada dhinac.

Sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Caasimadda Online, waxaa magaalada lagu dhex arkayaa ciidamo badan iyadoo cabsi weyn laga qabo dagaal dhex maro ciidamada Puntland ee Saciid Deni la safan iyo kuwa PSF.

Waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in lagu baajiyo dagaalka, balse xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in labada dhinac ay diidan yihiin wada-hadalka isla markaasna ay xal u arkaan in dagaal lagu kala baxo.

Isimada ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaasi oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirka amniga Puntland oo kal hore hanjabaad culus hawada u mariyay ciidamada PSF, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda la kulmaan dhinaca hay’adda PSF.

Xiisadii maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosneyd madaxweyne Deni iyo Agaasime Diyaan ayaa waxay si weyn u saameysay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi oo ah Magaalo Ganacsi oo ay ku nool yihiin Dad badan.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada