Daawo: Kaamiro duubtay weerarkii lagu dilay BAASHI XOOSH JABRIIL ee Istanbul

Daawo: Kaamiro duubtay weerarkii lagu dilay BAASHI XOOSH JABRIIL ee Istanbul

daajis.com:- Allaha u naxariistee Baashi Xoosh Jabriil oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga maalmo kadib markii uu dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar ay ku qaadeen rag burcad ah.

Seddax nin oo burcad ah oo u dhashay dalka Turkiga ayaa Baashi Xoosh Jabriil ku weeraray goob dalxiis oo ku taalla degmada Beyoğlu ee bartamaha magaalada Istanbul, 6-dii bishaan December, waxaana lasoo bandhigay muuqaallo muujinaya qaabkii loo fuliyey weerarkaas.

Ragga burcadda ah ayey kaamiraduhu qabteen ayaga oo gadaal uga yimid marxuumka, kadibna mid ka mid ah ayaa Feer qoorta kaga dhuftay, dhulka ayuuna ku dhacay Baashi, isagoo halkaas ku miyir daboolmay, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa halka uu weerarku ka dhacay.

Burcadda ayaa baaratay Baashi oo dhulka yaalla, waxayna ka qaateen talefano, boorso iyo agabyadii kale ee uu watay, sida ay werineyso warbaahinta Turkiga oo aad u hadal heysa dhacdadaan.

Booliska Turkiga ayaa la sheegay inuu soo qabtay raggaas burcadda ah, waxaana deg deg loo hor-geeyey maxkamad, labo ka mid ah oo ka yaraa da’aadda 18-sano ayaa lagu soo oogay dacwad xatooyo, waxaana laga sii daayey xabsiga, halka ninka 3-aad ee feeray Baashi lagu soo oogay inuu geystay dil bareer ah.

Allaha u naxariistee Baashi Xoosh Jabriil waxuu ahaa walaalkii ka yaraa wasiirkii hore ee dastuurka Soomaaliya Allaha u naxariistee Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo isna 8-dii Maarso 2019-kii ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Baashi oo 52-sano jir ahaa ayaa dilkiisa ka hor dalxiis u joogay dalka Turkiga, waxuuna ahaa Aabe degan magaalada Todonto ee dalka Canada oo dhalashiisa labaad uu ka heystay.

Baashi Xoosh Jibriil waxa uu kamid ahaa hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ee dalka Canada, wuxuuna Soomaalida ku cusub dalkaas ka caawin jiray arrimaha socdaalka, sharciga iyo dib-u-dejinta.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada