Haweeneyda ugu taajirsan Qaarada Afrika oo loo diiday Fiisaha dalka Mareykanka

Haweeneyda ugu taajirsan Qaarada Afrika oo loo diiday Fiisaha dalka Mareykanka

daajis.com:- Haweeneyda ugu taajirsan qaarada Afrika Isabel dos Santos, ayaa loo diiday dal ku galka ama fiisaha dalka Mareykanka, waxaana haweeneydan iyo xubno kamid ah qoyskeeda lagu daray liiska dadka aan loo ogoleyn in ay soo galaan Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaana haweeneydan bilyaneerka ah ku dartay liiska dadka laga mamnuucay in ay soo galaan Mareykanka, waxaana haweeneydan lagu eedeeyay in ay ku kacday Musuq maasuq taa oo u sahashay in hanti badan hesho.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Anthony Blinken, ayaa ku eedeeyay Dos Santos in ay sameesay musuq maasuq weyn, waxa uuna sheegay in ay si xun u isticmaashay hantida bulshada.

Isabel dos Santos, oo 48 sano jir ah ayaa noqotay haweeneyda ugu taajirsan Qaarada Afrika, waxaana sanado kahor hantideeda lagu qiyaasay lacag gaareysa $3.5bn, waxa ay sidoo kale haweeneydan kamid noqotay dadka duniga ugu hantida badan.


Haweeneydan waxaa dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Angola José Eduardo dos Santos, haweeneydan ayaana intii xukunka hayay aabaheed la siiyay qandaraasyo waa weyn ay ka sameesay lacago badan waxa ay sidoo kale madax ka aheyd shirkada shidaalka dalkaasi.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada