Daawo:- Maandooriye badan oo lagu qabtay guri kuyaala Muqdisho iyo Cumar Finisho oo…

Daawo:- Maandooriye badan oo lagu qabtay guri kuyaala Muqdisho iyo Cumar Finisho oo…

daajis.com:- Ciidanka booliiska ayaa maanta howlgal gaar ah ay fuliyeen waxa ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya oo nuucyo kala duwan isugu jiray, kaa oo lagu diyaarinayay laguna iibinayay guri kuyaala degmada Boondheere.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo uu wehliyo taliye ku-xigeenka ciidanka boliiska Soomaaliyeed iyo saraakiil kale, ayaa maanta kormeeray howlgalka la dagaalanka ka hortaga Daroogada.

Duqa Muqdisho iyo saraakiisha la socotay ayaana tagay guriga ciidanka amaanka kusoo qabteen waxyaabaha Maanka Dooriya oo ka koobnaa Calaq, Xashiish iyo Qamri isugu jiray macmal iyo midka caadiga ah.

Ciidamada amaanka ayaana xiray dadkii ku sugnaa guriga lagu qabtay waxyaabaha maanka dooriya, waaxa ay sidoo kale halkaasi ka qaadeen waxyaabaha maanka dooriya ee ciidamada qabteen oo maamulka sheegay in la bur burinayo.


Howlgal kan lamid ah oo shalay ciidamada amaanka ka fuliyeen degmooyinka Kaaraan iyo Yaqshiid ayaa sidoo kale lagu soo qabtay waxyaabaha maanka dooriya kuwaa oo meel fagaare ah lagu bur buriyay laguina gubay.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada