Maamul goboleedkii ugu horreeyey oo taageeray Rooble, kuna gacan sayray Farmaajo

Maamul goboleedkii ugu horreeyey oo taageeray Rooble, kuna gacan sayray Farmaajo

daajis.com:- Dowlad goboleedka Puntland ayaa markii u horeysay si rasmi ah u shaacisay inay diyaar u tahay ka qeyb-galka shirka uu dhawaan ku baaqay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulkaas ayaa lagu sheegay inay ka qeyb-galayaan Shirka Golaha ee uu hogaamiyo Rooble, taasi oo ka dhigan inay iska diiday midka uu ku baaqay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Dowladda Puntland waxay kaloo cadeynaysaa inay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wada-tashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Qoraalka kasoo baxay Puntland ayaa u muuqda mid uu madaxweyne Saciid Deni ku diidan yahay shirka wada-tashiga ah ee uu ku baaqay Farmaajo, kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha ku eedeyay in uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17kii Sebtember 2020.

Puntland ayaa noqonaya maamulkii u horeeyay ee si rasmi ah u shaaciya in uu raacsan yahay dhanka Rooble, oo uu dagaal adag kala dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa wada abaabulka shir lagu wiiqayo middka uu hore u iclaamiyay Rooble, kaasi oo uu ku sheegay mid lagu saxayo jihaynta doorashooyinka, ayna kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Farmaajo oo hore u wareejiyay hogaanka arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka ayaa marar badan isku dayay in uu awoodaas dib u soo ceshado, ayada oo qoraalkiisi u dambeeyay uu qeyb ka yahay qorshaha uu ku carqaladeynayo doorashooyinka dalka, uuna isku dayayo in awoodaas uu ku soo ceshado.


Si kastaba, Shirka uu dhawaan iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa haddii uu qabsoomo waxa uu wax badan ka bedeli doona jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan dalka, kaasi oo ka dhashay hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, waxaana dib u sixid lagu sameyn doono qaladaadka jira, si doorashooyinka u noqdaan kuwa daah-furan.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada