Xasan Sheekh” Farmaajo ayaa caqabad ku ah doorashada”

Xasan Sheekh” Farmaajo ayaa caqabad ku ah doorashada”

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kana mid ah Midowga Musharrixiinta ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isaga oo weerar Afka ah ku qaaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo & Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

Xasan Sheekh oo Warbaahinta la hadlay kadib kulan ay yeesheen Midowga musharrixiinta ayaa sheegay in Caqabada ugu wayn ee doorasho in ay dalka ka dhacdo hortaagan ay tahay Madaxwaynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in qoraalkii xalay uu soo saaray Farmaajo uu yahay mid waaali ah oo aan miirqab aheyn, isla markaana dulqaadka dadka Soomaaliyeed ay sameynayaan uu u qaatay dayuusnimo.

Dhinaca kale Xasan Sheekh wuxuu sheegay in hadalkii shalay uu jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu daba socso kii hore oo uu dalka qatar ku galiyay , isaga oo ugu baaqay in dalka uusan qatar gelin, wixii dhacana uusan la wadaageen Farmaajo.

“Barlamaan sharciyad haysta majiro farmaajo shalay ayuu ku hoojiyay ee yuusan ku hoojin Mursaloow , in albaabkii furmi tagaba in lasoo oodo sax maaha ayuu yiri  ” Xasan Sheekh.


Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday Xasan Sheekh dalacsiintii Madaxweyne Farmaajo taliyha Qeybta Boolisla Gobol Banaadir, wuxuuna sicad u sheegay in Sarkaal aan lagu amri karin in wuxii doo o uu iska sameysto.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada