Mareykanka oo joojiyay taageero uu siin jiray ciidamada PSF-ta

Mareykanka oo joojiyay taageero uu siin jiray ciidamada PSF-ta

daajis.com:- Dowladda Mareykanka ayaa sanad kahor joojisay taageeradda ay siiso hay’adda Puntland Security Forces, sida uu Talaadada maanta ah faafiyey barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da.

Galka Baarista oo uu daadihiyo wariye Haaruun Macruuf ayaa soo xigtay sarkaal ka gaabsadey magaciisa sababo la xiriira in aan loo ogoleyn in uu ka hadlo arrimaha xasaasiga ah.

Sida ku xusan warbixinta, xukuumadda Washington ayaa u hakisay taageeradda PSF kadib markii hogaanka hay’addu diideen in ay kamid noqdaan cutubka Danab ee kamid ah kumaandooska Soomaaliya.

Danab oo la rumeysan yahay in ay tiradooda ay u dhaxeyso 3,000 illaa 4,000 askar waa cutub si gaar ah u tababaran oo Mareykanka uu maalgeliyo isla markaana tababaro.

“Taliska AFRICOM ayaa Galka Baarista u sheegay in aysan xiriir rasmi ah la lahayn ciidamadda PSF isla markaana aysan siinin taageero toos ah,” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah baahinta barnaamijka.

Balse, sida ku cad warbixinta, AFRICOM ayaa rumeysan in ciidamadda PSF ay leeyihiin “karti ay kula dagaalamaan argagaixisadda” balse waxay walaac ka muujiyeen madmadowga soo kala dhex-galay.

Hay’adda PSF oo xarunteedu tahay Boosaaso ayaa in muddo ah waxay dagaalo ba’an kula jirtaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dhuumaaleysta dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

“AFRICOM waxay sheegtay in Daacish iyo Al-Shabaab ay PSF u arkaan in ay halis ku tahay sidii ay u qabsan lahaayeen dhul horleh una soo geli lahaa dakhli horleh,” ayuu Haaruun ku yiri warbixinta.

Falanqeeyayaal kala duwan oo lagu wareystay barnaamijka ayaa isku raacay sidda ay muhiim u tahay dib-u-habeyn lagu sameeyo qidada ammaanka Soomaaliya kadib dildilaaca soo dhex-galay ciidamadda.

Bishii October ee sanadkan 2021-ka, dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay dib-u-eegis ku sameyneyso taageeradda ciidamadda Danab kadib markii ay soo baxeen in ay ku lug-yeesheen dhacdooyin siyaasadeed.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada