Maxaad kala socotaa tartanka neefkii Geella ee ku guuleysta la siinayo $66 milyan

Maxaad kala socotaa tartanka neefkii Geella ee ku guuleysta la siinayo $66 milyan

daajis.com:- In ka badan 40 geel ah ayaa tartanka quruxda Geela ee dalka Sacuudiga laga reebay ka dib markii la ogaaday in irbad lagu muday si faruuryuhu u waynaadaan isla markana qaarkood loo soo mariyay waxyaabah jirka lagu qurxiyo.

Tartankan oo lagu magacaabo tartanka boqor Cabdulcasiis ayaa waxaa lagu bixiyaa abaalmarino qaali ah.

Tartanka quruxda Geela ayaa qofka uu geelkiisu ku guuleysto waxaa la siinayaa lacag dhan $66 milyan oo doolar. Waxyaabaha la eegayo tartankan waxaa ka mid ah faruuryo dhaadheer, San balaaran iyo kurus dheer.

Garsoorayaasha ayaa wsaxay adeegsadeen tiknoolajiyad hormarsan si loo kala saaro geela asalka ah iyo kuwa la isticmaalay kimikooyiin si loo qurxiyo.


Qabanqaabiyayaasha tartankan ayaa waxay sheegeen inay “aad ugu faraxsan yihiin in ay joojiyeen geela qurxinta aan dabiiciga ahayn lagu sameeyay islamarkana waxay ballanqaadeen in mustaqbalka ay soo rogi doonaan ganaaxyo adag si looga hortago khiyaanada .






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada