Maxay ka wada hadleen Xoghayaha Fulinta IGAD & RW Rooble?

Maxay ka wada hadleen Xoghayaha Fulinta IGAD & RW Rooble?

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo uu hogaaminayay Xoghayaha Fulinta ee IGAD Dr. Workeneh Gebeyehu.

labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta wadashaqeynta IGAD iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha  ayaa soo dhaweeyay hirgalinta Xarunta Sare ee IGAD ee u adkeysiga aafooyinka iyo ilaalinta deegaanka oo IGAD ay Muqdisho ka furatay. Xaruntu waxay taageeri doontaa hirgelinta qorshaynta khataraha cimilada ee dalalka gobolka ee ku bahoobay IGAD.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Xoghayaha Fulinta ee IGAD Dr. Workeneh Gebeyehu uu la kulmo Madaxda kale ee dowladda iyo Mucaaradka.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada