Muqdisho :- Wararkii u dambeeyey wada-hadallo u socdo Rooble iyo Musharixiinta

Muqdisho :- Wararkii u dambeeyey wada-hadallo u socdo Rooble iyo Musharixiinta

daajis.com:- Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socda shir gaar ah oo u dhexeeyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Musharixiinta Mucaaradka, kaas oo looga hadlayo xaaladda taagan iyo doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan oo ah mid xasaasi ah uu goordhow ka billowday hoyga ra’iisul wasaaraha, waxaana madasha ku sugan inta badan xubnaha mucaaradka.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilow ku dhow shirka ayaa waxa ay dhinacyadu diiradda saari doonaan arrimo ku aadan shirka loo ballan yahay 27-ka bishan, kaas oo u dhexeeyo Rooble, madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubnaha mucaaradka ay doonayaan inay qeyb ka noqdaan shirkaasi, maadaama looga hadlayo doorashada iyo qaladaadka ka jira.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa horey u soo saaray qoraal wadajir ah oo ay ku soo dhoweeyeen shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho ee Golaha Wada-tashiga Qaran.

Shirkan wuxuu kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay weli cabasho ka taagan tahay doorashada Soomaaliya, gaar ahaan mida xildhibaanada Golaha Shacabka.

Si kastaba, lama oga sida ay markale iskula jaan qaadi karaan ra’iisul wasaaraha iyo musharixiinta muddooyinkii u dambeeyey aad isugu hayey doorashooyinka dalka.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada