Xogta:- Faroole, Gaas iyo CC Sharmaa’arke oo ku sii jeeda Puntland

Xogta:- Faroole, Gaas iyo CC Sharmaa’arke oo ku sii jeeda Puntland

daajis.com:- Madaxweynayaashii hore ee maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas oo uu wehliyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa maanta u kicitimay Puntland.

Mas’uuliyiintan oo ay wehliyaan xildhibaano iyo odayaal dhaqameedyo ayaa saacadaha soo socda gaari doono magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Ujeedka safarka madaxdan ayaa la xiriira sida ay qeyb uga noqon lahaayeen dadaallada nabadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda dagaal ee Boosaaso.

Faroole, Gaas oiyo Sharmaa’arke ayaa wada-hadallo ka dhex bilaabi doono Puntland & PSF, waxayna sidoo kale la kulmi doonaa Ismida dhaqanka ee haatan ku howlan sidii wax looga qaban lahaa muranka ka dhashay xil ka qaadistii agaasimaha PSF-ta.

Socdaalka mas’uuliyadda oo aad loo soo dhoweeyey ayaa ku soo beegmaya, iyada oo xalay Deni uu jeediyey khudbad xasaasi ah oo kaga hadlay xaalka Boosaaso kuna baaqay nabad.

Puntland ayaa xaalad dagaal gashay, kadib go’aankii xil ka qaadista ee General Maxamuud Cismaan Diyaano oo ka horyimid talaabada uu qaaday madaxweynaha maamulkaasi.

Dagaalkii Boosaaso ayaa sababay dhimasho, dhaawac, burbur iyo barakac ay sameeyeen dadka deegaanka, walow qaarkood ay haatab dib ugu soo laabteen guryahooda.

Si kastaba, lama oga sida ay kusoo dhammaan doonto arrinta, waxaase laga war dhowrayaa dadaallada nabadeed ee haatan ka socda deegaanada Puntland.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada