Sababta Wasiir Jamaal uu shaqada ka eryey agaasimihii guud ee wasaaradda qorsheynta

Sababta Wasiir Jamaal uu shaqada ka eryey agaasimihii guud ee wasaaradda qorsheynta

daajis.com:- Wasiirka wasaarada qorsheynta xukuumadda federalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa shaqadii ka joojiyey agaasimaha guud ee wasaaraddaas, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Aadan, kadib eedeymo loo soo jeediyey.

Warqad kasoo baxday xafiiska wasiirka, isla-markaana lagu socodsiiyey ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in maanta laga bilaabayo xilka laga qaaday agaasimaha, iyada oo si KMG ah xilkaas loogu dhiibay Asad Yuusuf oo ahaa madaxa xiriirka ee deeq-bixiyeyaasha.

“Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 25-12-2021 in Cabdiqaadir Maxamed Aadan laga joojiyey ku howlgalidda xilka agaasimaha guud ee waasaaradda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Agaasimaha shaqada laga joojiyey ee Cabdiqaadir Maxamed ayaa waxaa la sheegay inay cabasho xoogan ka keeneen waaxyaha ay ka kooban tahay wasaaradda iyo shaqaalahaba.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inuu sameeyey ku takri fal awoodeed oo ka dhan ah shaqaalaha ka howl-galka wasaaradda qorsheynta Soomaaliya.

Hay’adaha kale ee dowladda ayaa sidoo kale la faray inay inay la shaqeeyaan agaasimaha cusub, isla-markaana ay gacan ku siiyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

“Waxaan dhammaan hay’adda dowladda ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan gacana ku siiyaan gudasha waajibaadkiisa shaqo sii hayaha xilka agaasimaha guud ee waasaradda,” ayaa markale lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda qorsheynta.

Wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa ka mid ah wasaaradaha ugu muhiimsan dowladda, waxayna qabataa shaqooyin badan oo gudaha iyo dibadda isugu jira.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada