Dowlad goboleedka Jubaland oo hab ka duwan Galmudug iyo K/Galbeed u qabaneysa doorashada

Dowlad goboleedka Jubaland oo hab ka duwan Galmudug iyo K/Galbeed u qabaneysa doorashada

daajis.com:- Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa shaacisay liiska xubnaha guddiyada ee soo xulaya ergada dooraneysa lixda kursi ee ugu horreeya xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya degaanada maamulkaas gaar ahaan degmada Kismaayo.

Guddiga doorashada ee Jubbaland ayaa soo gudbiyey liiska guddiyada ergada diyaaranaya, waxayna isugu jiraan oday dhaqameedyo iyo bulshada rayidka ah.

“Guddiga Hirgalinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubaland SEIT waxay halkan kusoo gudbinayaan Guddiyada xulista Ergooyinka kuraasta 6-da ah ee la shaaciyay 23/12/2021 kuwaasoo kamid ah 43-da kursi ee ku asteysan dawlad Goboleedka Jubaland,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday guddiga hirgelinta doorashada ee Jubbaland.

Doorashada lixdan kursi ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ka qabsoonto gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo oo haatan laga dareemayo qaban-qaabo xoogan.

Jubbaland ayaa u muuqata inay si ka duwan maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed u qabaneyso doorashada Golaha Shacabka, waana maamul goboleedkii ugu horreeyey ee soo bandhiga guddiga soo xulaya ergooyinka, taas oo aysan horey u sameyn maamullada kale.

Sidoo kale waxay tallaabadan fure u noqoneysaa hannaanka daah furnaanta ee doorashada Golaha Shacabka oo haatan cabasho xoogan ay ka muujinayaan xubnaha mucaaradka.


Si kastaba, doorashada Soomaaliya oo marxalado kala duwan soo martay ayaa haatan mareysa meel wanaagsan, walow ay weli dood ka taagan tahay dhammeystirkeeda.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada