Daawo:- Haraadiga hubkii la isku adeegsaday dagaaladii Boosaaso oo daadsan magaalada, & fariimaha

Daawo:- Haraadiga hubkii la isku adeegsaday dagaaladii Boosaaso oo daadsan magaalada, & fariimaha

daajis.com:- Hub aan weli qarxin oo ah haraadiga dagaaladii saddexda maalmood ka soconayay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayaa daadsan xaafadaha magaalada, sida uu soo sheegayo Wariyaha Puntlandtimes ee Boosaaso.

Haraadigan ayaa ah madaafiicdii ay isku adeegsanayeen ciidammo ka wada tirsan Puntland, oo qeyb kamid ah ay ka gadoodsan yihiin xil ka qaadistii Agaasimihii Hay’adda ciidanka PSF.

Saraakiisha dhanka Amniga ayaa uga digay shacabka magaalada Boosaaso inay gacmaha la aadaan hubka, iyagoo sidoo kale ugu baaqay dowladda in hubkan laga aruuriyo magaalada, si looga hortago khatar ka dhalata iyo inuu galaafto nolasha dad maato ah.

Xaalada Boosaaso ayaa ah maalintii labaad degan, kaddib dagaal ka socday saddex maalmood oo galaaftay nolasha dad gaaraya 50 qof, iyo dhaawaca in ka badan 100 qof, ayna ku barakaceen kumanaan ruux.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada