Muuse Biixi oo ka qeyb galay Salaad Roob doon oo laga dukaday degaannada Somaliland

Muuse Biixi oo ka qeyb galay Salaad Roob doon oo laga dukaday degaannada Somaliland

daajis.com:- Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka ku dhaqan caasimadda Magaalada Hargeysa kala qaybgalay salaad Roob-doon ah oo lagu oogay masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, maayarka caasimadda Hargeysa iyo qaar kamid ah taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, ayaa boqollaal kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa kala qayb-galay tukashada salaad Roob-doon ah, taas oo uu Toddobaadkii hore iclaamiyey wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, isla markaana maanta laga oogay gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee Somaliland.

Salaaddan Roob-doonta ah oo Eebbe lagaga tuugayey inuu Raxmaadkiisa u shubo dadka iyo duunyada abaaruhu hayaan, ayaa markii la tukaday kaddib waxa bulshada halkaas khudbad Alle bari ah ka akhriyey wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani, isaga oo bulshada ugu baaqay inay isa saamaxaan, ducadana badsadaan.

Sheekh Albaani waxa uu bulshada ugu baaqay inay joogteeyaan Alla bariga iyo toobadda, quluubtoodana mideeyaan si Eebbe inooga soo jebiyo Abaarta baahsan ee ina haysata iyo roob yaraanta.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada